» Nasrudiin.com | Kala Faham Xaqqa iyo Baadilka
DUCOOYIN
DUCOOYIN
SUBAC RAXANWEYN
Juzka 1.aad Views: 8547
Juzka 2.aad Views: 1616
Juzka 3.aad Views: 1151
Juzka 4.aad Views: 956
Juzka 5.aad Views: 1051
Juzka 6.aad Views: 1308
Juzka 7.aad Views: 739
Juzka 8.aad Views: 684
Juzka 9.aad Views: 669
Juzka 10.aad Views: 810
Juzka 11.aad Views: 737
Juzka 12.aad Views: 695
Juzka 13.aad Views: 829
Juzka 14.aad Views: 627
Juzka 15.aad Views: 767
Juzka 16.aad Views: 682
Juzka 17.aad Views: 678
Juzka 18.aad Views: 690
Juzka 19.aad Views: 731
Juzka 20.aad Views: 874
Juzka 21.aad Views: 854
Juzka 22.aad Views: 868
Juzka 23.aad Views: 835
Juzka 24.aad Views: 1204
Juzka 25.aad Views: 1119
Juzka 26.aad Views: 1180
Juzka 27.aad Views: 1248
Juzka 28.aad Views: 1818
Juzka 29.aad Views: 3140
Juzka 30.aad Views: 12241
ISLAMIC LINKS

ahlusunna

mustaqiim.com

nuuruliimaan

shaaficiyah

 
SIDEE NAARTA LOOGA BADBADAYAA?"
This article has been Published at: 16-01-2009 and has been viewed 11796 times
Ka badbaadidda naarta

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: (Kuwii rumeeyayow ka koriya naftiina iyo qaraabadiinna naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxyo waxaa kor jooga malaa'ik adag oo xooggan, ma caasiyaan Eebbe wuxuu faray, waxayna falaan wixii la faro) [at-taxriim: 6].

Waxaa ku soo arooray tafsiirka aayaddan in Eebbe faray mu'miniinta in ay ka badbaadshaan naftooda iyo qaraabadooda naartaas oo shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxyo ayaga oo baranaya arrimaha diinta, dadka qaraabadooda ahna baraya, taas oo ah barashada waxyaabihii uu Eebbe ku waajibshay faliddooda ama ka dhowrsashadooda kuwaas oo ah waajibaadka iyo waxyaabaha xaaraanta ah, taasina waa si uusan ugu dhicin ekaysiinta (tashbiiha) iyo tusmaynta (tam-thiilka) iyo kufriga iyo lunsanaanta.

Maxaa yeelay qofkii u ekaysiiya Eebbe kor ahaayee wax kale, cibaadadiisu ma ansaxayso, maxaa yeelay wuxuu caabudayaa wax uu maleeyay oo ku sawirtay maskaxdiisa iyo maladiisa, wuxuu yiri al-Imaam al-Ghazali: "Ma ansaxayso cibaadadu inta aadan aqoonsan macbuudka".

Wixii ku soo arooray billowgii uunka

Wuxuu yiri Rasuulku Nabadgelyo Iyo Naxariisi Korkiisa Ha Ahaatee kolkii wax laga waydiiyay billowgii uunka: "Eebbe wuu ahaaday, wax aan asiga ahaynna ma jirin, carshigiisuna wuxuu ahaa biyaha dushooda, wuxuuna looxa wax kasta, kadibna wuxuu abuuray samooyinka iyo dhulka" waxaa weriyay al-Bukhaari. Kolka wuxuu Rasuulku NNKH uga jawaabay su'aashaas in aanan Eebbe jiritaankiisu aanay billow lahayn oo uu soo jireen yahay, wax aan asiga ahayn oo soo jireen ahana ma jiraan, ujeedaduna waa in aanay cid aan Eebbe kor ahaayee ahayn oo soo jireen ah jirin, Eebbana kor ahaayee asiga ayaa wax kasta uumay, oo ah in uu soo saaray ayaga oo aan jirin. Wax walba asiga ayaa abuurayna waxaa looga jeedaa in uu ka soo saaray uunka oo dhan jiritaan la'aan oo u soo saaray jiritaanka.

Eebbana kor ahaayee waa mid nool dhimana maayo, maxaa yeelay jiritaankiisu dhammaad malaha, oo looga jeedo in uu siijireen yahay, kolka dhiman maayo, maxaa yeelay haddii la heli lahaa jiritaan la'aan kadib waxaan suurtagal noqdeen mid horreeyay, oo looga jeedo in uu soojireen ahaa.

Xukunka qofkii leh: "Eebbe wuxuu abuuray uunka, ee yaa Eebbe abuuray?" waa in la kufrinayo shaki la'aan maxaa yeelay wuxuu u saarshay Eebbe kor ahaayee jiritaan la'aan jiritaanka ka hor, taasna laguma yiraahdo wax aan ahayn dhacdooyinka oo ah uunka, kolka Eebbe kor ahaayee jiritaankiisu waa waajib, taas oo ah in aanay caqligal ahayn jiritaan la'aantiisu, kolka jiritaankiisu ma aha sida jiritaankeenna dhacdada ah, maxaa yeelay jiritaankeennu wuxuu ku ahaaday abuuristiisa kor ahaayee, wax kasta oo Eebbe aan ahaynna jiritaankiisu waa bannaanyahay (jaa'is), taas oo ah in ay caqliga suurtagal ku yahay jiritaankiisu jiritaan la'aan kadib, iyo jiritaan la'aantiisa jiritaankiisa kadib, kolka laf ahaantiisa loo eego sida uu garaadku u xukminayo.

Waxaad ogaataa in qaybaha jiritaanku saddex u qaybsamaan:
Kan 1aad: Mid soojireen siijireena ah waana Eebbe oo kaliya, taas oo ah in aanan jiritaankiisu billow iyo dhammaad toona lahayn. Xukunka qofkii dhahaya waxaa jira wax soojireen ah oo aan Eebbe ahayn waa in la kufriyo hubaal, sidaa darteed way ku kufriyeen falaasifadu ictiqaadkooda dabaalnimada ah ee ah in caalamku soojireen yahay, maxaa yeelay soojireennimadu ka suurta geli mayso cid aan ahayn Eebbe oo kaliya.


Kan 2aad: Waa siijireen (abadi) aan soojireenna (qadiim, azali) ahayn, taas oo ah in uu billow leeyahay laakiin uusan dhammaad lahayn waana jannada iyo naarta labadaba waa la uumay taas oo ah in ay billow leeyihiin hase ahaatee aanay dhammaad lahayn, marka waa siijireen aanan baaba'ayn ama dhamaanayn maxaa yeelay Eebbe ayaa doonay in ay raagaan, hase ahaatee, ayagu laf ahaantoodu waxaa ku bannaan in ay baaba'aan caqli ahaan.


Kan 3aad: Soojireenna (qadiim, azali) ma aha siijireenna (abadi) ma aha, taas oo ah in uu billow leeyahay dhammaadna uu leeyahay, waana dhammaan inta caalamkan ku nool oo ay ka mid yihiin samooyinka toddobada ah iyo dhulka marka waxaa lagama maarmaan ah in ay dhammaadaan waxa ku dhexjirana waa in ay dhamaadaan ee ah dad iyo jinni iyo malaa'ik.


Waxaa kale oo aad ogaataa in ay culumadu caado ka dhigteen in ay xukunka caqliga ah u qaybshaan saddex qaybood: waajibnimo (waajib), iyo mustaxiil, iyo bannaanaasho (jaa'is), kolkaas bay dhaheen:
Waajibku: waa wixii aanay caqliga geli karin la'aantoodu. Waana Eebbe iyo Sifooyinkiisa.

Mustaxiilkuna: waa wax aanan jiritaankoodu caqliga geli karin, waxayna ku magacaabaan mararka qaar midka "reebban". Jaa'iskuna: Waa wixii jiritaankooda iyo la'aantooda labadaba caqligal yihiin, sidaa darteed, waxay Eebbe ku sifeeyeen in uu yahay mid jiritaankiisu waajib yahay.

Soojireennimada Eebbe waqti ma laha

Eebbe kor ahaayee, wuxuu jiray waqtiga iyo meesha ka hor, iyo gudcurka iyo ilayska ka hor, kolka asigu kor ahaayee ka mid ma aha caalamka cufan sida dhulka iyo dhagaxa iyo xiddigaha iyo dhirta iyo dadka, mana aha caalamka fudud sida ilayska iyo ruuxa iyo hawada iyo jinniga iyo malaa'ikta maxaa yeelay wuu ka duwanyahay dhacdooyinka, taas oo ah in uu ka duwanyahay uunka oo dhan. Kolka haddii la yiraahdo, miyaanay magacyadiisa ka mid ahayn "al-ladiifu"? jawaabtu waa: in al-ladiif oo ah magac Eebbe looga jeedo: kan adoomihiisa u naxariista, ama kan ka qarsoon malooyinka oo aanay haleelayn.


Kolka wax filkiisa ah ma jiraan kor ahaayee, macnaha wax u dhigma ma jiraan, wax ekaankiisa ahna ma jiraan lafahaantiisa iyo astaamihiisa iyo falkiisa, maxaa yeelay haddii uu ahaan lahaa ekaanka uunkiisa qaabkii ay doonto ha ahaatee, sida beegga (xajm) iyo dhaqaaqa iyo nagaanta iwm waxaa ma ahaadeen mid uume ah.


Kolka Eebbe wuu ka dhowrsanyahay in uu ku astoobo dhacdooyinka, sidoo kale astaamaha Ilaahay kor ahaayee waa mid soojireen ah (qadiim, azali) macnaha waligeed jirtay. Arrinkan mudnaanta uu leeyahay dartiis ayaa Imaam Abuu Xafiifa ka yiri: "Qofkii yiraahda astaamaha Eebbe kor ahaayee waa wax dhacay (xaadith), ama ka shakiya, ama ka joogsada, waa kaafir" wuxuu sidaa ku sheegay kitaabka "al-wasiyyah". Ad-daxaawi-na wuxuu yiri: "qofkii Eebbe ku asteeya macne ka mid ah macnayaasha aadanaha hubaal waxaa ah in uu kufriyay".

In laga nazaho Eebbe meesha Iyo caqli ahaan sixidda jiritaankiisa meel la'aan
Eebbana kor ahaaye wuu ka deeqtoonyahay caalamiinta, macnaha wuu ka kaaftoonyahay wax kasta oo asiga ka soo hara waligeed iyo abadkeed, kolka uma baahna meel uu dego ama wax uu ku dego ama jiho.


Waxaana ku filan ka nasahidda Eebbe laga nasahayo meesha iyo xaydaanka iyo jihada qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Wax ekaankiisa ah ma jiraan) ash-shuuraa:11, kolka haddii uu "meel" lahaan lahaa wuxuu lahaan lahaa wax ekaankiisa ah, iyo fogaansho ah dhererka iyo balladhka iyo qotodheeri, daliilkanna quraanka ayaa laga soo qaatay.


Xadiiskana waxaa u daliil ah kan uu soo weriyay al-Bukhaari iyo Ibn al-Jaaruud iyo al-Bayhaqi oo sanadkiisu saxiix yahay in Rasuulku nnk uu yiri: "Eebbe wuu jiray ayada oo wax aan siga ahayn aanay jirin", macnihiisuna waa in uu Eebbe waligiis jiray billowgii hore wax kalena lama jirin ama biyo ha ahaadeen ama dabayl ama dhul ama cir ama kursi ama carshi ama dad ama jinni ama malaa'ik ama goor ama meel ama aagag "jihooyin", kolka Eebbe kor ahaayee wuxuu jiray "meesha" ka hor "meel la'aan" kolka uma baahna "meel" taasna waxaa laga fahmayaa xaddiiskii la soo sheegay.


Wuxuu ku yiri al-Bayhaqi kitaabkiisa al-Asmaa' wassifaat: "Waxay soo daliilsadeen qaar asaxaabteenna ka mid ah si ay Eebbe "meesha" uga fogeeyaan, qowlkii nabiga nnk: "Adiga ayaa muuqda "daahir ah" waxna kaama sarreeyaan, adiga ayaana qarsoon "baadin" waxna kaama sokeeyaan" kolka haddii aan wax ka sarreeya jirin wax ka sokeeya jirin "meel" kuma ahaanin" sidaa ayuu yiri. Xaddiiskanna wuxuu reddinayaa kuwa leh Eebbe kor ahaayee jiho ayuu leeyahay.


Wuxuu yiri Cali Allaah ha ka raalli noqdee: "Eebbe wuxuu jiray ayada oo aanan meel jirin, Ilaahayna hadda waa sidii uu markii horeba ahaa" waxaa soo weriyay abuu Mansuur al-Baqdaadi. Ictiqaadkuna malo kuma dhisna ee waa wixii caqliga saxan ee caafimaadka qaba goynayo kaas oo markhaati u ah Sharciga, taasina waa in maxduud wixii ah ay u baahanyihiin wixii ku xaddiday xadkaas kolkaa Ilaah noqon maayo.


Kolka sida jiritaanka Eebbe kor ahaayee u saxnaaday meel la'aan iyo aag (jiho) la'aan intaan la uumin meelaha iyo aagagga (jihooyinka), sidaas oo kale ayuu u saxnaanayaa jiritaankiisu uumista meelaha kadib, meel la'aan iyo jiho la'aan, taasina noqon mayso diidmada jiritaankiisa kor ahaayee, sida ay ku andacootay mushabihada iyo wahaabiyada waana kuwa ugu yeeraya dadka tajsiimka casrigaan.

Xukunka qofkii leh: "Eebbe kor ahaayee meel kasta ayuu joogaa ama meelaha oo dhan" waa in la kufrinayo haddii oo weedhaas ka fahmayo in Ilaahay laftirkiisu ka soo baxay ama ku jiro meel, haddiise uu ka fahmayo weedhaas in Ilaahay kor ahaayee uu xukumo wax walba uuna ogyahay wax walba la kufrin maayo, waana taas midda ay uga jeedaan dadka badankooda ku hadlaya erayadaas, waxaana waajib ah in laga reebo waxyaabahaas sikasbata ha ahaatee, maxaa yeelay salafkii lagama keenin ee waxaa laga keenay muctasilada kadibna waxaa adeegsaday juhalada caamada.

 
COMMENTS ( 0 )
ADMIN LOGIN
USERNAME
PASSWORD
MAQAALLO
AKHRINTA QUR'AANKA
Juzka 1.aad Views: 7024
Juzka 2.aad Views: 1584
Juzka 3.aad Views: 1098
Juzka 4.aad Views: 894
Juzka 5.aad Views: 872
Juzka 6.aad Views: 869
Juzka 7.aad Views: 776
Juzka 8.aad Views: 786
Juzka 9.aad Views: 674
Juzka 10.aad Views: 748
Juzka 11.aad Views: 771
Juzka 12.aad Views: 727
Juzka 13.aad Views: 786
Juzka 14.aad Views: 694
Juzka 15.aad Views: 765
Juzka 16.aad Views: 739
Juzka 17.aad Views: 624
Juzka 18.aad Views: 713
Juzka 19.aad Views: 818
Juzka 20.aad Views: 797
Juzka 21.aad Views: 845
Juzka 22.aad Views: 732
Juzka 23.aad Views: 753
Juzka 24.aad Views: 821
Juzka 25.aad Views: 888
Juzka 26.aad Views: 1043
Juzka 27.aad Views: 1275
Juzka 28.aad Views: 1647
Juzka 29.aad Views: 1852
Juzka 30.aad Views: 5541
© 2009 Nasrudiin.com All Rights Reserved