Kooxo Khawaarij ah oo maantay ku Dal-dalay 2wiil oo dhalin-yaro soomaaliyeed ah Magaalada Marka ee xarunta G/shabeelada hooose.
Nasrudiin.com-25-October-2009.Khawaarijta Al-shabaab ayaa maantay ku dal-dashay 2kamid ah dhalin-yarada soomaaliyeed kuwaasoo ku sugnaa magaalada marka ee G/shabeelada Hoose.
Labadaan wiil ee dhalin-yarada ah ayaa la xaqiijiyay in ay diideen dalab uga yimid dhanka canaasiirta khawaarijta ah kaasoo ahaa in ay la shaqeeyaan oo ay kusoo biiraan canaasiirtooda.
Allaha u Naxariistee Maxamed Xuseen Axmed oo 20 jir dagaan ahaan kasoo jeeda magaalada Marka iyo Xuseen Abba Cali oo isna reer Muqdisho ahaa maanta isamarkaana jiray 21 sano ayaa u dhintay falkaas dal-dalaada ah ee lagu fuliyay barqonimadii maantay.
Falkaas wuxuushnimada ah ayaa ka dhacay garoonka kubada cagta SYL ee magaalada marka.
Goobta lagu dal-dalay da-yartaas soomaaliyeed ayaa waxaa marqaati ka ahaa boqolaal kamid ah shacabka magaalada marka oo lagu keenay garoonka SYL si qasab ah iyagoo ilmeynaya isla markaana ka xun kana naxsan tacadigaas khawaarijta ay kula kacday masaakiintaas.
Amiirka khawaarijta ee magaalada marka oo magaciisa saxda ah aan lasheegin laakiin loogu yeero Suldan Aala Maxamad ayaa halkaas ka jeediyay hadal jees jees ah isagoo yiri:- qof kasta oo ka hor yimaada awaamirteena waxuu mari doontaa halka ay mareen:- Max’ed Xuseen Axmed(20) & Xuseen Abba Cali(21). Isagoo intaa raaciyay ragaan waxeey jaajuus u ahaayeen Dowlada Rirada oo ah magaca ay ugu yeeraan Dowlada dalka soomaaliya.
Wiil soomaaliyeed oo dagan magaalada marka isla markaana magaciisa qariyay ayaa u xaqiijiyay wwwnasrudiin.com inuu aqoon dheer u lahaa :-Maxamed Xuseen Axmed uuna ahaa Nafsad lagu dal-dalay si xaqdaro ah, wuxuu kamid ahaa saaxiibadey aan jeclahay waxaan isla soo qaadanay waxbarashadii dusiga hoose iyo qeyb kamid ah dugsiga dhexe laakiin wuu isaga tagay bartamihii dugsiga dhexe sababo dhaqaale aawgood sidaa waxaa yiri wiilkaas soomaaliyeed ee magaciisa qariyay sababo amaan aawgood isagoo intaa ku daran in uusan waligiis tagin goobaha ay ka talido dowlada KMGda ee magaalada muqdisho.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ay khawaarijta soomaaliya joogta ay dil-dalaan da-yar iyo duqeey soomaaliyeed waxaana tusaale noogu filan filim ku duuban inta badan taleefan-gacmeedyada ay wataan shacabka soomaaliyeed kaasoo muujinaya khawaarijta oo dal-dalaya wiil soomaali ah oo lagu magacaabi jiray nuur-weershe kaasoo dagaan ahaan u dhashay magaalada goof-gaduud ee G/baay.
Allaha u naxariistee nuur-weershe ayaa astaan u noqday naxariis darada kooxaha khawaarijta ah ee kusoo duulay dalkeena soomaaliya.
Q/C/Raxmaan Cali Maxamad
Madaxa wararka G/shabeelada Hoose
Ee boga www.nasrudiin.com –Marka.cadey